Dhageyso:-Meydka Haweeney Soomaliyeed oo Lagu Arkay Mid kamid ah Hoteelada Degmada Yaaqshid

0

Wararka naga soo gaaraya degmada Yaaqshid gaar ahaan Xaafada Jiiro Garoob ayaa ku waramaya in barqanimadii maanta mid kamid ah hoteelada Xaafadaas ku yaala laga helay Meydka Haweeney Soomaliyeed.

Qof  kamid ah dadka ku nool Xaafada Jiiro Garoob ee degmada Yaaqshid oo la hadashay idaacada simba ayaa ka warbixisay Meydka haweeneyda  lagu arkay mid kamid ah hoteelada ku yaala Gudahaa degmadaas.

“Abaarihii saacada marka ay ku beegneed 10:00 ilaa 11:20 Hoteel lagu magacaabo Capital qol kamid ah qolalkiisa waxaa lagu arkay Haweeneyd meyd ah Shaqaalihii ku sugnaa hoteelka waxa ay sheegeen in ay isla socdeen nin ayna hoteelka  ijaarteen shalay galab, ninka saakay ayuu bixiyay lacagtii Hoteelka wuuna iska baxay, muddo kadib  waxaa lagu arkay qolkii ay ku jireen Haweeneyda oo Meyd ah” ayay tiri haween kamid ah dadka Xaafada Jiiro Garoob.

Dhanka kale Ciidamada dambi baarista ee CID-da dowlada Soomaliya ayaa goobta gaaray iyagoo Meydka Haweeneyda goobta ka qaaday.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here