Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Mudane Bashiir Ciise Cali, oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qasnada Bankiga Dhexe lagala baxay lacag dhan Shan boqol iyo Soddon Kun oo Doollarka Maraykanka ah, $ 530,000.
Mudane, Bashiir Ciise Cali, Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee dalka Soomaliya ayaa sheegay in lacagta uu xaday mid kamid ah khasnajiyaasha Bankiga Dhexe ay dhan tahay $530,000, Kaas oo lagu magacaabo Muxiyadiin Maxamed Xasan (Muxiyadiin Santooni) isla markaana uu baxsaday.
Guddoomiyuhu Bankiga ee dalka waxaa uu sidoo kale sheegay in ninkaas uu lacago been abuur ah uu Bankiga keenay isla markaana uu qaatay lacagtii rasmiga aheyd sidaasna ay ugu suuragashay in uu lacagtaas ku xado.
Hadalka Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Mudane Bashiir Ciise Cali ayaa kusoo beegmaya xili shirkii Golaha wasiirada Xukuumadda Soomaliya ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho ay shaqaalaha Dowlada ugu digeen in lagu xadgudbyo hantida Dowlada inta lagu jiro xiliga kala guurka.

