Sarkaal ka Tirsanaa Ciidamada Ahlusuna Waljameeca  oo Isku Dhiibay Maamulka Galmudug

0

Sarkaal ka Tirsanaa Ciidamada Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna waljameeca ayaa ka gooystay maamulkaas isagoo galabta gaaray Degmada Cadaado ee Caasimada Kmg-ga Dowlad Goboleedka Galmudug.

C/risaaq Cali Tubaako Sarkaal Magaciisa Lagu sheegay  iyo ciidan uu watay ayaa la soo sheegayaa iney galabta gaareen degmada Cadaado oo ah xarunta kmg-ga ee  maamul Goboleedka Galmudug.

Dhanka kale Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug ayaa sheegay iney si diiran u soo dhoweeyeen sarkaalka iyo ciidamada ka soo goostay Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlu sunna ayna haatan ku sugan yihiin degmada Cadaado.

Ilaa haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay  Dhanka Ahlusuna waljameeca.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here