Maamulka Jubba-land oo Sheegay in Dhalinyaro Kenyaan ah ay ka Dambeeyeen Weerarkii Hoteelka Naasa Hablood 1

0

Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan) oo warbaahinta kula hadlay magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada hoose ayaa shaaca ka qaaday qaar kamid ah magacyada dhalinyaro Kenyan ahaa oo weerar Ismiidaamin iyo mid toos ah ku qaaday Hoteelka Naasa Hablood 1 ee magaalada Muqdisho sanadkaan Gudihiisa.

Mudane C/rashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan) ayaa tilmaamay  in safar uu ku tagay Magaalada Mandheere ee Gobolka Woqooyi bari ee dalka kenya uu halkaas  kula kulmay saraakiil Kenyaan ah oo u sheegay in dhalinyaro kenyaan ah oo ka tagay Magaaladaas ay ka dambeeyeen weerarkii lagu qaaday Hoteelka Naasa Hablood 1 ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan)  ayaa sheegay in dhalinyaradan Kenyanka ah ay ka tageen Mandheera ayna sii mareen deegaano badan kuna biireen Xarakada Al-Shabaab waxa uuna magacyada dhalinyarada Weerarka fulisay ku sheegay Issack Dyati, Yuusuf Cabdi iyo Issack Gola.

26/6/ 2016-ka ee sanadkaan Dagaalyahano ka Tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday Hoteelka Naasa Hablood 1 ee magaalada Muqdisho  waxaa ku dhintay 15-ruux oo isugu jiray shacab iyo dagaalyahanadii weerarka hoteelka ku qaaday kuwaasi oo ku guuleystay in ay gudaha u galaan Hoteelka.

Mas’uuliyiin weerarkaas ku dhintay ee la xusi karo waxaa kamid ahaa Wasiiru Dowlihii Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee dhanka Bii’ada ala Ha u Naxariistee  Burci Maxamed Xamze.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here