Faah-Faahin:-Gaashaanle Sare oo ka Tirsanaa Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaliya oo La Dilay

0

Wararka naga soo gaaraya Degmada Dharkinley ee Gobolka Banaadir ayaa ku waramaya In koox Hubeysan ay goordhaweyd Gudaha degmadaas ku dileen Gaashaanle sare Yaxye Xaaji Cali Aadan oo ka Tirsanaa Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaliya.

Dilka Gaashaanle Yaxye Xaaji Cali Aadan ayaa ka dhacay xaafada Mac-macaanka ee degmada Dharkinley kooxdii dilka geysatay ayaa goobta ka baxsatay sida goob joogayaal ay u sheegeen idaacadda Simba.

Dhanka kale Ciidamo ka Tirsan kuwa Dowlada Soomaliya oo goobta soo gaaray ayaa sameeyay Howlgal lagu baadi-goobayay ragii ka dambeeyay dilka gaashaanlaha.

Wixii kusoo kordha kala soco Simbanews.com

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here