Xafiiska Xeer ilaalinta Qaranka Soomaliya ayaa maanta Magaalada Muqdisho kusoo bandhigay Badeecado Dhacay oo la sheegay in dalka ay soo galiyeen Ganacsato Soomaliyeed.
Dr Axmed Cali Daahir Xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaliya oo Warbaahinta kula hadlay Dekadda Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in iyagoo kaashanaya Ciidamada dambi baarista Soomaliya ay gacanta kusoo dhigeen Badeecado Dhacay iyo daawooyin dhacay oo dalka ay soo galiyeen Ganacsato soomaliyeed.
“Hay’addaha Sharciga ee dalka ka howlgala waxaan farayaa in cid kastoo oo ku lug yeelata, Fal dambiyeedyada noocaan oo kala ah, kii soo lahaa, kii keenay, kii soo qaaday , kii raray, baabuurka qaaday, kan gadaayo waxa ay ka qeyb qaateen fal dambiyeed socda”, ayuu yiri Dr Axmed Cali Daahir Xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaliya.
Dhanka kale Dr Axmed Cali Daahir Xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaliya ayaa faray dhamaan Ciidamada amaanka in ay gacanta kusoo dhigaan cid walba ay u arkaan in dalka ay soo galiyaan waxyaabaha dhacay.
Isagoo hadalkiisa sii wata Xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaliya ayaa dhanka kale digniino u jeediyay Ganacsato Soomaliyeed oo Maalmihii dambe Warbaahinta ka sheegayay In aysan ogolaan doonin in la baaro tayada waxyaabaha ay dalka keenaan, wuxuuna shaaciyay xeer ilaaliyaha in mar walba ay la socon doonaan Tayada waxyabaha dalka la keeno.






