Faah-Faahin:-Hoobiyayaal ku Dhacay Xarunta Wasaaradda Gaadiidka Degmada Shangaani+Dhageyso

0

Wararka haatan naga soo gaaraya Degmada Shangaani ayaa ku waramaya in Tiro Hoobiyayaal ah  ay ku dhaceen Goordhaweyd Xarunta Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka oo ku taala Degmadaas.

Qof ku sugan degmada Shangaani ayaa idaacada Simba u sheegay in abaarihii 02:25 in Tiro Hoobiyayaal ah  ay ku dhaceen Xarunta Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka oo ku taala Degmadaas.

Dhanka kale Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Mudane C/fitaax Cumar Xalane ayaa sheegay in 3-hoobiye ay ku dhacday  Xarunta Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka ee ku taala degmada Shangaani 3-qof ayuu tilmaamay  in ay ku dhaawacantay.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Wuxuu sidoo kale sheegay in labo gaari oo Xarunta taalay ay Burburtay gabi ahaanba, isagoo sidoo kale xusay in lagu Guuleystay in la damiyo dab ka kacay Xarunta.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here