Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku waramaya in kooxo ku labisan Dareeska Ciidamada Dowlada soomaliya ay dhac iyo kufsi ay ka geysteen deegaan lagu magacaabo Jameeco.
Qof kamid ah dadka deegaanka Jameeco oo magaciisa diiday in la xigto ayaa idaacada simba ee Magaalada Muqdisho u sheegay in kooxo Hubeysan oo ku labisan Dareeska Ciidamada dowlada soomaliya ay saacadii aynu soo dhaafnay ay kufsi ay dhac ka geysteen deegaanka iyagoo sidoo kale jidka u galay gaadiidka ka yimaada Gobolada dariska la ah Gobolka Shabeelaha Shabeelaha Dhexe.
Dhanka kale Xiriiro aynu la sameeyay Mas’uuliyiinta deegaanka Jameeco ee Gobolka Shabeelaha Dhexe Inooma suurta galin in aan qadka Taleefanka ku helno.

