Shirkaan oo looga hadlaayo Soo Xulista Xildhibaanada Puntland ay ku yeelanayso Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya oo ay kasoo Qayb galayaan Ismo, Qurbajoog Siyaasiyiin Hore Xilal u soo qabtay iyo Madaxda Maamulka Puntland ayaa waxaa uu ka Furmayaa Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobalka Nugaal.
Gudoomiyaha Gobalka Nugaal ee Maamul Gobaleedka Puntland Cumar Faraweyne ayaa Sheegay in Shirka uu Furmidoono Maalmaha soo socda kaas oo diirada lagu saari doono sidii Bulshada Puntalnd ay uga wada Tashan la haayeen Arimaha qeybsiga iyo Soo Xulida qoondada Puntland ay ka heyshay Baarlamanka Soo Socda ee Soomaaliya
Gudoommiyaha oo sii wata Hadalkiisa waxaa uu tilmaamay magaalada Garowe inay udiyaar garoobayso marti gelinta shirar waaweyn oo uu kamid yahay soo xulista xildhibaanada aqalka hoose ee Puntland umatalaya dowladda federalka ah ee Soomaaliya, sidaas darteed waxa uu Xusay in Shacabka loo baahan yahay inay la Shaqeeyaan Ciidamada Amaanka ee Magaalada caasimada Garoowe si ay u noqoto meel ammaankeeda la isku halayn karo oo aan wax cabsi ahi ka jirin
Maamulka Puntland ayaa Magaalada Garoowe kaga Dhawaaqay Howlgal ay Fulin doonaan Ciidamo si gaar ah u tababaran oo loogu magacdaray Daban-Two kuwaasi oo adkeen doona Amaanka Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal.

