Maamulka Gobolka Banaadir ayaa kaga digay dadka aan daganeen Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya in ay qaataan kaarka aqoonsiga Dowlada Hoose.
Gudoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Maamulka Gobolka Banaadir ismaaciil Macalin Cabdi Guurre oo maanta warbaahinta kula Hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uusan marnaba ogolaan doonin in kaarka aqoonsiga dowlada Hoose uu qaato muwaadin aan daganeen Magaalada Muqdisho.
“Qofkii qaata Kaarka aqoonsiga Dowlada Hoose isagoo aan daganeen Magaaladan ayna gacanta kusoo dhigaan Laamaha amaanka ee la Tixraaco kadibna la ogaado in uusan daganeen Magaalada Muqdisho waa dambiile”ayuu yiri Gudoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Gobolka Banaadir ismaaciil Macalin Cabdi Guurre.
Dhawaan ayay aheyd Markii taliska Nabad Sugida Gobolka Banaadir iyo Maamulka Gobolka Banaadir ay sheegeen in muwaadin kasta oo soomaliyeed laga doonayo qaadashada kaarka aqoonsiga, islamarkaana uusan jiri doonin qof aan wadanin Taasaraha Minishiibiyo oo ka Howlagalaya Xarumaha dalka.

