Baarlamanka Puntland oo Dib u Dhigay Kalsooni Siinta Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Maamulkaas iyo ku-xigeenkiisa

0

Baarlamaanka Maamulka Puntland  ayaa maanta dib u dhigay Kalsooni siinta Gudoomiyaha maxkamada sare ee Maamulkaas  iyo ku-xigeenkiisa oo maanta la filiyay in ay hortagaan Xildhibaanada si codka kalsoonida ay u weydiistaan.

Dib u dhacaan ayaa loo maleynayaa inuu sabab u yahay madaxweynaha Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo oo haatan ku sugan Garoonka diyaaraddaha Magalada Garowe, iyagoo kusii jeeda dalka Itoobiya, waxaana  sii sagootinayaa  saddexda Gole ee Puntland, oo ay ku jiraan madaxweyne ku xigeenka Eng,  Camey iyo Gudoomiyaha barlamaanka Axmed Cali Xaashi.

Maalinta bari oo Khamiis ah ayaa la filiyaa in Gudoomiyaha maxkamada sare ee Maamulkaas  iyo ku-xigeenkiisa  ay hortagaan Xildhibaanada Baarlamanka Mamulka Puntland si ay u weydiistan codka Kalsoonida.

Mudane Yuusuf Xaaji ayaa  loo Magacaabay Gudoomiyaha maxkamada sare ee Puntland halka Nuur Ciise Maxamed loo Magacaabay Gudoomiye Ku-xigeenka  kadib wareegto kasoo baxday Madaxweynaha Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here