Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug dhanka Puntland ayaa ku waramaya in ciidamada Xoogga dalka soomaliyeed gaar ahaan Ciidamada Danab oo garab ka helaya ciidamada Puntland in ay howlgal ka sameeyeen Magaaladaas.
Howlgalka ayaa la sheegay in lagu soo qabtay gaari uu lahaa nin ka Tirsan Al-shabaab oo sidoo kale la sheegay in uu u qaabilsanaa dilalka ka dhaca Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Gaariga la sheegay in lasoo qabtay ayaa la tilmaamayaa in lagu isticmaali jirey labo taariko.
Gaariga ay ciidamada Puntland iyo kuwa dowlada Soomaaliya gacanta kusoo wada dhigeen ayaa ahaa Land Cruiser dhexyaalay guriga Nuur Deeq oo la sheegay in uu yahay ninka al-shabaab u qaabilsan dilalka Gaalkacyo, Guriga Howlgalka laga sameeyay ayaa horay looga soo qabtey Saciid C/laahi Al-sudaani oo Al-shabaab u qaabilsanaa Samaynta Qaraxyada.





