Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Cafis u Fadiyay Siyaasiyiinta ka Soo jeeda Somaliland ee ku Sugan Magaalada Muqdisho.

0

War Kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Somali-land Axmed Maxamed Maxamuud siilaayo ayaa lagu sheegay in Cafis loo fadiyay Siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta maamulka Somaliland Mudane Cusmaan C/llaahi Saxar-diid  oo maanta warbaahinta kula Hadlay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Cafiska Madaxweynaha u fidiyay ujeedkiisu yahay mid loogu daneynayo siyaasiyiinta ku sugan Muqdisho.

“Siyaasiyiinta reer Somaliland ee ku sugan Muqdisho ee ka soo jeeda Somaliland cafis ayuu u fidiyay Madaxweynaha, daad-gureyntoodana diyaar ayaan u nahay, Waxaa leenahay walaalaha Xamar naga jooga wax idin yaalla halkaas ma jirto, baaqa Madaxweynaha idin fidiyay ka faa’iideysta karaamo halkaas kuma leedihiin ee halkan ayaad ku leedihiin” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo warbaahnta kua hadlay magaalada Hargeysa.

Siyaasiyiin iyo Madax ka Tirsan Dowlada soomaliya oo kasoo jeeda Deeganada Maamulka Somali-land ayaa kasoo Hojeystay Seddex xubnood oo laga jaray 11-kii xubnood ee laga siiyey aqalka sare, looguna daray Maamulka Puntland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here