Dhageyso:-Shirka Maamul u Sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo Loosoo Wajeejinaayo Magaalada Muqdisho

0

Shirka Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo gogashiisu  ay wali taalo Magaalada Jowhar waxaa haatan soo baxaya warar sheegaya in gabi ahaanba shirka loo soo wareejinaayo Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa intaa ku daraya in arrintan looga gol leeyahay in qaar ka mid ah beelaha reer Hiiraan lagu qanciyo inay shirka ka qeyb galaan, kadib markii ay horay u diideen inay Magaalada Jowhar tagaan si ay shirka ugu qeyb galaan.

Urur Goboleedka IGAD  oo mudooyinkii dambe  kulamo la qaadanayay odoyaasha reer hiiraan ayaa la sheegay inuu soo jeediyay qorshayaal dhowr ah oo la xiriira dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaana ka mid ahaa in shirka loo soo raro Magaalada Muqdisho.

Maalmaha soo socda ayaa la sheegay in  magaalada Muqdisho lagu xareyn doono ergooyin matalaya Maamulada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe , kuwaasoo dooranaya Madaxweynaha.

Dhanka kale qaar kamid Odoyaasha reer Hiiraan  oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa kasoo horjeystay  Go’aanka Shirka Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe loogu soo wareejinaayo Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya.

10-qodob oo  laga soo saaray shirkii Madasha wadatashiga qaranka oo Todobaadkaan lasoo gaba-gabeeyay waxaa kamid ahaa in la xaqiijiyo dhismaha maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe inta ka horreysa xilliga doorashada.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here