IMF oo Shuruud ku Xirtay in Dhaqaalo Dheerad ah Lasiiyo Somaliya

0

Hay’adda Lacagta aduunka ee IMF ayaa sheegtay in Somaliya ay helayso dhaqaalo ka imaanaya IMF iyo deenbixiyaal kale oo caalami ah hadii ay samayso barnaamijyada dib u habaynta ah ee loogu talagalay in lagu caawiyo dib u dhiska dhaqaalaha dalka SomaliYa.

Samba Thiam oo ka tirsan madaxda hay’adda lacagta aduunka ee IMF ayaa tilmaantay in ay rajaynayaan in wadanka geeska Africaka ku yaala ee Somaliya uu irdaha u furo maalgashiga shishiiye iyo in dawladu ay sii wado hormarinta dhinaca maamulka dhaqaalaha.

IMF ayaa ku qiyaastay dhaqaalo gaaraya  $6 billion in ay Somaliya kaga dhumeen dagaaladii sookeeye ee dalka ka dhacay 25kii sano ee ugu dambaysay tan iyo sanadkii 1991-dii.

Somaliya ayaa ku jirta Numberka 50-aad ee dalka ugu Faqiirsan aduunyada waxaa sidoo  la sheegay in islaamiyiinta soomaliya ka dagaalama in ay saameyn ku yeesheen  dhaqaalaha Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here