Madaxweynaha Puntland oo ku Tilmaamay Hogaamiyaha Khaatumo in uu Yahay Qof uu Hayo Cudur Jeclaysiinaya Cidii Dhibaataysa

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali maxamed Cali Gaas oo maanta ku laabtay Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa ka hadlay wada-hadal la sheegay in maamulka Khaatumo State uu kula jiro Somali-land.

Madaxweyne C/wali Maxamed Gaas ayaa sheegay in uu maqlay intuu Magaalada  Muqdisho ku sugnaa wadahadalka u bilowday Maamulka Khatumo State iyo Somali-land blse Puntland aysan wax saamayn ah ku yeelanayn arimahaas.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas ayaa Madaxweynaha Maamulka Khaatumo State Cali khaliif Galeyr ku tilmaamay in uu yahay qof uu hayo cudur jeclaaysiinaya Cidii Dhibaataysa, isaguna Soomaaliland u ku jeclaaday Cayr-sashadiii badanaayd ee ay kula kaceen.

Hadalka Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali maxamed Cali Gaas ayaa kusoo beegmaya xili Todobaadkii Gudihii Madaxweynaha Maamulka Khaatumo State Cali khaliif uu sheegay In ay wadahal la Fureen Maamulka Somali-land.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here