Dhageyso:-Somali-land oo Guddi Wasiiro ah u Magacawday Wada-hadalka Maamulka Khaatumo State

0

Maamulka Somali-land ayaa ka hadlay wada-hadal la sheegay in uu bilowday iyaga iyo Maamulka Khaatumo State uu hogaamiyo Mudane Cali Khaliif Galeyr.

Mudane Cismaan Cabdilaahi Saxardiid wasiirka Warfaafinta Maamulka Somali-land oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ee Caasimada Maamulka Somali-land ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay diyaar u  yihiin wada-hadalka islamarkaana ay Guddi u xilsaareen.

“Xukuumadda uu hogaaminayo Madaxweyne Siilaanyo u saaray wada hadalladan guddi qaran oo ka kooban Wasiiro iyo madax dhaqameed, go’aanka uu qaatay Dr Cali Khaliif Galeyr oo ah mid geesinimmo ku dheehan tahay waan soo dhaweynaynaa haddii aynu nahay Somaliland, waana ku bogaadineynaa haddii ay garteen in isaga iyo saaxiibadiisa garteen in dadkiisa yihiin dad reer Somaliland ah, weligoodna ahaayeen dad reer Somaliland ah, shalay iyo daraadna ahaayeen, maantana yihiin berina ahaan doonaan” ayuu yiri wasiirka.

Arintaa ayaa kusoo beegmaysa xili shalay Madaxweynaha Maamulka Khaatumo State Cali Khaliif Galeyr uu sheegay in wada-hadal ay kula jiraan Maamulka uu Hogaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here