Maamulka Galmudug ayaa Si kulul Uga Hadlay Howlgalada Ciidamada Komaandooska gaar ahaan Danab Militariga Soomaaliya ay ka wadaan Magaalada Gaalkacyo Kuwaa Oo Saldhiga Ka sameystay Garoonka Diyaaradaha Bariga Gaalkacyo uu Maamulo Maamulka Puntland.
Duqa Degmada Gaalkacyo Galmudug Xirsi Yuusuf Bare oo Waramay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa Ciidamada Komaandooska ku Eedeyey inay Qalqal dhanka Amaanka ah ay ka abuureen Koofurta Magaalada Gaalkacyo oo uu ka amrinmiyo Maamulka Galmudug .
Xirsi Yuusuf Bare Duqa Gaalkacyo oo sii hadlayey ayaa Xusay in Ciidamada Komaandooska Danab oo ay wehliyaan Saraakiil Cadaan ah iyo Ciidamada (PIS) ee Maamulka Puntland ee Waqooyiga Gaalkacyo ay Afduub u geysteen dad rayada ah oo uu ka mid yahay Oday da,ah Mudo ugu xirnaa Saldhig gaar ah oo ay ku sugan yihiin Saraakiil Maraykan ah.
Ugu danbeyntii Duqa Degmada Gaalkacyo Galmudug ayaa Tilmaamay in Ciidamada Howlgalka ka wada Xaafadaha Koofurta Gaalkacyo aan imaatin kooda aan la soo ogaysiin Wasaarada Amniga Galmudug, Saraakiisha Ciidamada iyo Maamulka Gobalka Mudug ee Galmudug waxaa uuna Dowlada Soomaaliya ugu baaqay in Ciidamada Koomaandooska ay si dag dag ah uga saarto Magaalada Gaalkacyo.

