Faah-faahin:-Qaraxyo Saakay Laga Maqlay Xaafadda Raadeelka Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir

0

Sida goob joogayaal ku sugan Xaafadda Raadeelka degmada dayniile ee Gobolka Banaadir ay u xaqiijiyeen idaacadda simba waxaa qaraxyo lala eegtay ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya oo ku sugnaa xaafadaasi.

Qaraxyada ayaa la sheegay in ay ahaayeen ilaa iyo sedex qarax kan koowaadne uu qasaare dhaawac gaarsiiyey 3-askari oo katirsan ciidamada dowladda kadibne loosoo qaaday isbitaal ku yaala xaafadaasi inkastoo qarax kale la sheegayo in uu qabsaday ciidamada dowlada ee dhaawaca waday lana sheegay in hal askari iyo haweeneey goob lagu qaxweeyo laheyd ay ku geeriyoodeen ayna ku dhaawacmeen laba askari.

Qaraxa sadaxaad ayaa ciidamada dowladda waxa uu ku qabsaday agagaarka xeradii 77-aad  iyadoona la sheegayo in qasaare kale oo dhawaac ah uu geystay qaraxaasi.

Isku geynta qasaaraha ka dhashay qaraxyadaasi sadaxda ah ee saake ka dhacay xaafadda raadeelka degmada Dayniile ee G/Banaadir ayaa ah dhawaaca shan askari oo katirsan ciidamada dowladda iyo dhimashada mid kamid ah ciidamada dowlada iyo haweeney.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here