Wasiir Odawaa:- “Urur Goboleedka IGAD Waxa uu Door Wanaagsan kasoo Ciyaaray Dhismaha Maamulada Dalka Jira”,

0

Xukuumadda Soomaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Faragalinta Urur Goboleedka ee Shirka Maamul  u sameynta Gobolada Hiiraan iyo shabeellaha Dhexe oo wajigiisa labaad uu ka furan yahay Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya  Mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa sheegay in dowlada Soomaliya ay ka warqabto arrimaha IGAD islamarkana uu yahay Ururka mid horey ugu soo qeyb qaatay dhismaha Maamulada Jubba-land, Galmudug, iyo Koonfur Galbeed soomaliya oo dowlada  ay ku guuleysatay.

“Urur Goboleedka IGAD waxa uu door wanaagsan kasoo ciyaaray Dhismaha Maamulada Jubba-land, Galmudug, iyo Koonfur Galbeed Soomaliya dowlada soomaliya way la socotaa arrimaha IGAD iyo kulamada ay maalmihii dambe la qaadanayeen Odayaasha reer Hiiraan ayuu yiri”, Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya .

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya   Mudane C/raxmaan Maxamed Xusee(Odawaa) ayaa tilmaamay in maalmaha soo socda dib loo bilaabi doono arrimaha shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe islamarkaana dhamaadka sanadkaan ay rajeenayaan in maamul ay yeeshaan dadka Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here