Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo La kulmay Saraakiisha Ciidamada Xoogga Soomaliyeed  iyo kuwa AMISOM+Sawirro

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay xarunta Aqalka Madaxtooyada kula kulmay Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida Somaliya iyo kuwa Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Kulankaan oo ahaa mid casho oo Madaxweynaha uu u sameeyay Saraakiishaasi, ayaa waxaa ka qaybgalay xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda iyo marti sharaf kale, arrimaha ugu weyn ee muhiimada lagu saaray waxaa kamid ahaa sidii loosii wadi lahaa howlgalka dalka loogu saaray Al-shabaab iyadoo madaxweynaha uu bogaadiyay  guulaha ay gaareen ciidamada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhanka kale ka codsaday Ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa AMISOM inay xaqiijiyaan ammaanka goobaha lagu wado in ay ka dhacdo doorashada sanadkan la fillaayo inay ka qabsoomto Somaliya.

1470520910cb3e4 1470520914d0906 1470520918a610f 1470520921e2c9a 1470520923c4b9f 1470520924a8aee 1470520927cf645 1470520936b9639 14705209122dae0 14705209126f704 14705209172d3a5 14705209299e49b 14705209338ab30 147052091353c5c 14705129090069a 14705209310844d 147052093897360

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here