Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas oo Beeniyay in ay Wadahal La Galayaan Maamulka Khaatumo State

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali maxamed Cali Gaas oo la hadlay idaacada Voa-da ayaa ka hadlay arrimaha Doorashooyinka iyo hadal kasoo yeeray Maamulka Khaatumo State.

Dr C/wali maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in hakad ku yimaaday doorashadii Madaxda Soomaaliya iyo hay’adaha dawliga ee lagu balansanaa in bishaan Gudaheeda la qabto.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, ayaa tilmaamay  in aan wali heshiis kama danbees ah la gaarin laakiin uu ku rajo weynyahay in qorshaha doorashooyinka lagu dhammaystiri karo mudo laba bilood ah.

Madaxweynaha oo ka hadlayay dhaqaalaha aadka u badan ee Guddiga Doorashadu dalabadeen oo gareysa 16 Milyan oo Dollar sida lagu helaayo ayuu sheegay in Soomaaliya iyo Beesha caalamku ay ka tashanayaan.

Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali gaas ayaa beeniyay in maamulkiisa uu wadahadal la gali doono maamilka Khaatumo State oo uu  hogaamiyo Cali khaliif Galeyr xili shalay ay soo baxeen warar ku aadan arintaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here