Akhriso jadwalka Doorashada Lagu Wado inay Sanadkaan Dalka ka Dhacdo

0

Xili Magaalada Muqdisho ay wali ku shirsan yihiin Madaxda dowlada soomaliya iyo kuwa Maamulka Goboleedyada dalka ka jira ayaa hadana waxaa soo baxaya in dib loo dhigay doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka

Halkaan hoose waxaa ah jadwalka doorashada lagu wado inay sanadkaan dalka ka dhacdo:

Qorshe Hawleedka Waqtiyeysan

Waqtiga, Geeddi socodka, Masuuliyadda

Agoosto

4 Agoosto – 6 Agoosto

Dhammeystirka iyo howlgelinta Guddiga Doorashada Dadban ee heer gobol (SIEIT)

Ansaxinta tirada oday-dhaqameedyada tagaya goobaha  dorashooyinka ay ka dhacayaan (tusmaynta madax dhaqameedyada )

Musharaxiinta hadii kursi hal qof keliya u soo tartamo maxaa laga yeelaayaa?

Ansaxinta waajibaadka shaqo (TOR) Guddiga xallinta Khilaafaadka iyo Magacaabida  xubnaha guddiga

Go’aan ka gaaridda hannaanka iyo goobta lagu soo dooranayo xubnaha labada aqal ee Somaliland; Shabellaha-dhexe & Hiiraan (hadii aysan dhisnayn ka hor xiliga doorashada);

Guddiga matalaadda xubnaha Aqalka Sare ee gobolka Banadir iyo howl-galintooda

Dhammeystirka iyo howlgelinta Guddiga (Task Force-ka) ka shaqayn doono amniga dorashooyinka;

Habraac lagu xaqiijinaayo qoondada Haweenka ee 30% ee labada aqal ee Barlamaanka;

Ansaxinta iyo Go’aan ka gaarista iyo soo bandhigidda Qorshe howleedka waqtiyeeysan iyo Miisaaniyadda  Doorashooyinka 2016

7-13 Agoosto

Diyaarinta Xafiisyada GDGDD ee Xarumaha Doorashada

MHQ

14 Agoosto -20 Agoosto

Tababarka Guddiyada doorashooyinka

federal iyo heer maamul Goboleed (GDGDD)

(Mudadan waxay isugu jirtaa Imaanshaha iyo Noqoshada)

GFHDD/QM

21 Agoosto – 24 Agoosto

Tababarada 135 Madax dhaqameedyada

Qaadashada warqadaha Aqoonsiga .

GDGDD/GFHDD

Siteembar 2016

25 Agoosto – 10 Siteembar

135 ta Madax dhaqameed ayaa soo gudbinaya  liiska magacyada ergada

Xalinta Khilaafaadka ee Ergooyinka

Shaqaalaynta iyo tababarada howlwadeenada doorashooyinka

Madax Dhaqameedka /GDGDD/GFHDD

25 Siteembar

Dhisida iyo soo gudbinta  xildhibanada Aqalka Sare ee Dowlad Goboledyada dhisan ugu dambayn bisha Siteembar 25-da, 2016

MHQ

11-30 Siteembar

Baahinta Waqtiga  Diiwaangalinta Musharixiinta

Hubinta shuruudaha Musharaxa iyo Diiwaangalintooda

Diiwaangalinta Korjoogtada.

GFHDD

Oktoobar 2016

01-14 Oktoobar

Doorashada Golaha shacabka

GDGDD/GFHDD

15- 17 Oktoobar

Hubinta iyo ku dhawaaqidda natiijada kama dambaysta ah

GFHDD

18 Oktoobar

Dhaarinta Golaha Shacabka

Maxkamadda Sare

28 Oktoobar

Doorashada Guddomiyaha Baarlamaanka

Baarlamaanka

07 Nofeembar

Doorashada Madaxweynaha Jamuuriyadda Federalka Soomaliya

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here