Maamulka Ahlusuna Waljameeca ee Gobolada Dhexe ayaa xabsi kasii daayay tiro odoyaal ah oo ay ku eedeeyeen in ay la kulmeeen maamulka Xarakadal al-shabaab.
Odoyaasha xabsiga laga sii daayay ayaa la sheegay in lagu sii daayay si damiin ah islamarkaana maalinta bari oo sabti maxkamad lasoo taagi doono islamarkaana lagu qaadi doono dacwad ku aadan la kulanka Al-shabaab.
Kadib wadahadalo dhexmaray Mas’uuliyiin ka Tirsan ahlusuna waljameeca iyo odoyaal kale ayaa la sheegay in odoyaasha si damiin ah lagu sii daayay islamarkaana maalinta bari ah ay kasoo hor muuqan doonaan maxkamad ku taala Magaalada Dhuuso

