Gudaha Maxkamad ku taalo Degmada Berrien ee Gobolka Michigan ee dalka Mareykanka waxaa lagu dhex dilay seddex qof kadib markii maxbuus ay dacwadiisa ay ka socotay Maxkamada uu Batoolad ka dafay askari kamid ah ciidamadii Maxkamada ku sugnaa.
Dadkii Maxkamada ku sugnaa ayaa bilaabay in kala cararan waxaa goobta soo gaaray Ciidamada Amaanka oo la sheegay inay toogasho ku dileen ninkaasi maxbuuska ahaa.
Weerarkan ayaa ku soo beegmaya xili dalka Maraykanka ay weli ka socoto xuska weerarkii ka dhacay magaalada Dallas ee lagu dilay 5 askari oo booliis ah.













