Ciidanka Asluubta oo Gacanta ku Dhigay Waxyaabo Maanka Dooriya(SAWIRO)

0

Xabsiga dhexe ee Xamar ayaa Maanta  lagusoo bandhigay Xashiish iyo maandooriyaal kale oo Ciidanka Asluubta ay qabteen xili la doonayay in si qarsoodi ah loogu geeyo maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe waxaana goobta laguu bandhigayay goobjoog ka ahaa Taliye ku xigeenka Ciidanka Asluubta Somaaliya iyo saraakiil kale oo katirsan ciidanka Asluubta.

Taliyaha xabsiga dhexe ee Xamar G/sare Maxamed Cumar ayaa sheegay inay maxkamad u gudbin doonaan dadkii lagu qabtay iyagoo Xabsiga si qarsoosdi ah uu galinaya Xashiiska isagoona digniin u diray dadka kale ee arimaha nuucan oo kale ah ku howlan .

Taliye ku xigeenka Ciidanka Asluubta Somaaliya S/Guuto Cabdikariin Cali Afrax ayaa xusay inay talaabo adag ka qaadayaan kuwa daroogada u keena  Maxaabiista  Xabsiga dhexe ku xiran.

Dhanka kale Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaaliya S/gaas  Bashiir Maxamed jaamac ayaa manata furay tartan dhanka fanka ah oo loo qabanayo Kooxda Fanka Ciidanka Asluubta ee ONKOD iyadoona Taliyaha uu balanqaaday inay abaalamarin doonaan shaqsiyaadka kaalimaha hore ka gala tartankaasi.

–Dhamaad—

-Xafiiska Warfaafinta Taliska Ciidanka Asluubta Somaliyeed-Mugadisho

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here