Xarakada Al-shabaab oo Weerar ku Qaaday Degmada Lamu ee Dalka Kenya

0

Wararka ka imaanaya degaanaka Mokowe, oo hoostaga degmada Lamu, ee dalka Kenya ayaa sheegaya in saldhig  ciidanka Kenya ay ku leeyihiin  ay weerar ku qaadeen rag ka tirsan Al shabaab inkastoo Ciidamada Kenya ay sheegeen in ay iska caabiyeen Xoogagii weerarka kusoo qaaday.

War kasoo baxay ciidamada kusugan deegaanka weerarka lagu qaaday  ayaa lagu sheegay in Al shabaab ay isku dayeen in ay burburiyaan xarumo ciidanka  Kenya ay ku leeyihiin degaanaka Mokowe halkaas oo qaraxyo ay ku weerareen.

Warar la xiriira dhinaca sirdoonka dalka Kenya ayaa tilmaamaya in weerarkaan Al shabaab ay ku qaadeen xarumaha ciidanku ay ku leeyihiinn degaanka Mokowe oo hoostaga degmada Lamu oo ku taala xeebaha waqooyi ee dalka Kenya aysan jirin wax qasaara ah oo ka soo gaaray.

Al shabaab oo lahadlay warbaahinta taageerta ayaa sheegay in weerar qasaare sababay ay ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa militariga Kenya meel u dhow degmada Lamu.

Sarkaal sare oo ka tirsan Al- Shabaab ayaa warbaahinta afka alshabaab ku hadasha u sheegay in Ciidamadooda ka howlgala Lamu ay weerar ku qaadeen  Ciidamada Kenya deegaanka lagu magacaabo Milimani, gaar ahaan goob u dhow saldhiga Ciidamada Kenya ee ku yaalla halka lagu macagaabo Baure, iyagoo gubay mid ka mid ah gaadiidka Ciidamada Kenya oo ahaa nooca loo yaqaano Tawga.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ay weerarka ku dileen tiro ka tirsan Ciidamada Kenya ee ay weerarka ku qaadeen.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here