Wafdi uu Hogaaminaayo Raisulwasaare ku-xigeenka Xukuumada Somaliya Mudane Maxamed Cumar Carte(Qaalib) oo isugu jirey Wasiiro, Taliyayaal Ciidan ayaa maanta gaaray Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.
Wafdiga Raisulwasaare ku-xigeenka Xukuumada Somaliya Maxamed Cumar Carte waxaa kamid ahaa Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Wasiirka Gaadiidka, Taliyeyaasha Booliska iyo Nabad Sugidda Soomaaliya iyo madax kale.
Maxamed Cumar Carte iyo wafdigiisa oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya ayaa waxaa garoonka dayaarada magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose ku soo dhoweeyey Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Juballand Max’uud Sayid Aadan iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulkaasi.
Wafdiga arrimaha ugu waa weyn ee u gaareen Magaalada Kismaayo ayaa lagu sheegay in ay tahay
- Sidii loogu diyaari garoobi lahaa qaxootiga kasoo laabanaya xeryaha Dhadhaab ee Kenya.
- -Maamul dhaadhicinta iyo
- -Arimaha Doorashooyinka

