Urur Goboleedka IGAD oo Kulan Deg Deg ah ka Yeelanaya Dagaalada Koonfurta Dalka Suudaan

0

Urur Goboleedka IGAD ayaa kulan  deg deg ah ka yeelanaya dagaalada ka soo cusboonaday wadanka koonfurta dalka Suudaan kaasi oo u dhaxeeya Ciidamo Taabacsan Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiis Riek Machar.

Kulanka oo lagu qaban doono Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya ayaa looga arrinsan doonaa dagaaladan oo la sheegayo in ay ku nafwaayeen dad tiradoodu gaareyso 272 ruux oo ah muwaaadiniin u dhalatay koonfurta dalka Suudaan.

Dagaalada dib ugu bilowday Caasimada dalka Koonfurta dalka Suudaan ee Jubba ayaa yimid iyadoo Madaxweynaha koonfurta dalka Suudaan  Salva Kiir iyo ku xigeenkiisa Riek Machar ay qaadanayeen kulan looga hadlayo isku dhacyadii hore.

Dhanka kale Dowlada Mareykanka ayaa ku baaqday in si deg deg ah loo joojiyo dagaalada kusoo cubnooday Magaalada Caasimada Koonfurta dalka Suudaan ee Jubba.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here