Isku soo bax loogu soo horjeeday weerarkii dhawaan lagu qaaday Masjidka Nabiga Maxamed NNKH ee Magaalada Barakeysan ee Madiina ayaa maanta lagu qabtay Barxada weyn ee Masjidka isbahaysiga ee degmada waabari ee Gobolka Banaadir.
Isku soo baxa waxaa soo qeyb galay boqolaal qof oo isugu jirey Culumaaudiin, Odoyaal, Dhalinyaro, Macalimiin, Haween, Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.
Ugu horenyntii dadkii kasoo qeyb isku soo baxa waxaa la hadlay Afhayeenka Majmaca Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in la weeraro meel uu ku aasan yahay Nabi Maxamed.
“Nabi maxamed NNKH waxa uu yiri ninkii cabsi galiya dadka ku nool Magaalada Madiina waxaa korkiisa ahaaday naclad ilaahey iyo malaaiktiisa, shacabka soomaliyeed waxaa ugu baaqayaa in ay hal meel ugu soo wada jeesteen kuwa caadeystay in ay weeraraan goobaha cibaadada sida Magaalada Barekeysan ee Madiina.
Sidoo kale Agaasimaha Waaxda Diinta ee Wasaaradda Awqaafta Sheekh Cali Maxamuud Sheekh Cali dheere oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in Dowlada soomaliya iyo shacabkeeda oo isku duuban ay diyaar u yihiin difaacida goobta uu ku aasan yahay Nabi Maxamed NNKH oo dhawaan uu weerar ku qaaday nin naftiisa halige ahaa oo isku soo xirey waxyaabaha qarxa.
Ugu dambeyntii cod baahiyaha Warbaahinta Simba waxaan la dhex qaadnay qaar kamid ah dadkii kasoo qeyb galay isku soo baxa oo ay ku jireen Macalimiin wax ka dhiga qaar kamid ah dugsiyada Qur’aanka Kariimka oo maanta soo wada xirey dugsiyada si ay shucuurtooda u muujiyaan.








