Wasiirka amniga Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Mudane C/Fitaax Maxamed Geesey oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay In madaxtooyada soomaliya laga soo abaabulo Ciidamada falalka amnidaro ka geysta Gobolka Shabeelaha Hoose.
“kolay waxaan u malaynayaa in ay ka amar qaataan Madaxtooyada Soomaliya meel kale oo ay ka amar qaataan ma jirto Ciidamada falalka amnidaro ka geysta Gobolka Shabeelaha Hoose, dhawaan waan ka hadalnay ka maamul ahaan arrimaha dhibaatooyinka Gobolka Shabeelaha Hoose, shacabka ayay dhacayaan, baabuurta ayay dhacayaan, dumarka ayay kufsanayaan,waayeelka ayay boobayaan, iyaga iyo shacabka iskuma xirno markii ay doonaan ayay ka baxaan Gobolka Shabeelaha Hoose”, ayuu yiri Wasiirka amniga Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Mudane C/Fitaax Maxamed Geesey.
Dhanka kale Wasiirka amniga Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Mudane C/Fitaax Maxamed Geesey ayaa tilmaamay in dowlada dhexe ee soomaliya ayay kala hadleen dhibaatooyinka Gobolka Shabeelaha Hoose balse aysan ka helin jawaab.
Hadalka Wasiirka amniga Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Mudane C/Fitaax Maxamed Geesey ayaa kusoo beegmaya xili galabta ciidamada Dowlada Soomaliya iyo kuwa Amisom ay isaga baxeen Maagaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa Caawa ku sugan Ciidamada Xarakada Al-shabaab.

