Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulan gaar ah, waxaana kulanka shir gudoominayay Ra’iisal Wasaare ku Xigeenka XFS Mudane Maxamed Cumar Carteh, waxana ay Goluhu si adag ugu canbaareeyeen ficilkii argagixisada ahaa ee kooxaha diinlaawayaasha ahi ay ku qaadeen Masjidka Nabawiga ee Magaalada barkaysan ee Madiina.
Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Goobdoon oo kulanka markii uu soo dhamaaday kadib la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Golaha Wasiirada ay tacsi u direen guud ahaan Caalamka Islaamka, gaar ahaan dawladda Boqortooyada Sucuudiga, iyagoo uga tacsiyeeyay ficilkii bahalnimada ahaa ee lagu qaaday goobaha barakaysan ee Islaamka.
Mudane Goobdoon, ayaa intaa ku daray in Xukuumadda Federaalka Soomaliya ay taageerayaan Bayaan shalay ay soo saareen Culimaa’udiinka Soomaaliyeed oo ay kaga soo hor jeesteen fikirka Xagjinimada iyo ku talaxtagga diinta islaamka.


—DHAMAAD—

