Dowlada Mareykanka oo ku Baaqday in Si Deg Deg ah Loo Joojiyo Dagaalka ka Qarxay Magaalada Jubba ee Koonfurta Suudaan

0
SPLA soldiers stand in a vehicle in Juba December 20, 2013. Talks between South Sudan's President Salva Kiir and African mediators trying to broker a peace deal after six days of clashes between rival army factions are progressing well, Ethiopia's foreign minister said. REUTERS/Goran Tomasevic (SOUTH SUDAN - Tags: CIVIL UNREST MILITARY POLITICS ELECTIONS)

Dowlada mareykanka ayaa ugu baaqday Madaxweynaha Koonfurta dalka Suudaan  Salva Kiir, iyo Ku Xigeenkisia, Riek Machar,  in ay joojiyaan dagaalka maanta markale ka qarxay Magaalada Juba.

War Saxaafadeed ay soo saartay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, ayaa Madaxweynaha iyo Ku Xigeenkiisuba loogu baaqay in si deg deg ihi ku joojiyan dagaalka culus ee ku dhex maraya Xarunta Koonfurta Sudan.

War Saxaafadeedka, ayaa waxaa lagu sheegay inaanan loo baahnayn in Madaxweynaha iyo Ku Xigeenkiisaba ay wada dagaalamaan, sidaasi daraadeedna ay xushmeeyan heshiiskii ay kol hore ku taageereen in la xoojiyo xasiloonida dalka curdunka ah.

Dowlada Mareykanka ayaa Muwaadiniinteeda ku sugan Koonfurta dalka Suudaan ugu baaqday  in ay yareeyaan dhaqdhaqaaqa islamarkaana aysan ka bixin guryahooda madaama Caasimada  ay ku dagaalamayaan Ciidamada dowlada iyo kuwa Mucaaradka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here