Kusimaha Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Cabdulqaadir Faarax Erag oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Gaalkacyo ayaa si adag uga hadlay amniga Magaalada Gaalkacyo iyo dilalka qorshaysan ee magaalada ka dhaca,
Cabdulqaadir Faarax Erag waxa uu sheegay in dilalka ugu badan ee ka dhacay Gudaha Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ee loo geysto mas’uuliyiiinta Puntland in ay ka dambeeyaan Xarakada Al-shabaab oo bishii marso aynu soo dhaafnay weeraro ku qaaday deegaanada Maamulka Puntland.
”Waxa dhacaya waa barakicin, waxaa la rabaa in guryihiina la qabsado oo magaaada laydin ka saaro ogaadana meeshaa tagtaan waa laydin kaga daba imaan hadiinaan iska caabin cida dilalka idin ku fulinaysa”Ayuu Yiri Erag.
Dhawaanahaan waxaa Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ka dhacayay dilal loo geysanayay Mas’uuliyiin ka Tirsan maamulka Puntland ma jirin cid si rasmi ah u sheegatay dilalkaas.

