Taliyaha Cusub ee Qaybta Booliska Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Gaashanle Dhexe Cabdiwaaxid Cabdille warsame ayaa xilka la Wareegay Talihii Hore Ee Qaybta Booliska Cabdulaahi Shire Dool oo dhawaan xilka loga qaaday Wareegto ka soo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Maamul Gobaleedka Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas
Taliyaha Cusub ee Qaybta Booliska Gobolka ayaa sheegay in Booliiska Gobolka Mudug ay Dagaal adag la Gali doonaan Dadka laga Danbiyada kale Duwan si loo xaqiijiyo Amniga Guud ee Gobalka Mudug
Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa Sheegay Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska looga Baaha yahay in uu la yimaado isbadal wax ku ool u ah Xasilinta Amaanka Gobalka Mudug gaar ahaa Magaalada Gaalkacyo oo Faraha uu ka baxay Amaankeedu
Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed cali gaas ayaa ka la diray Golihii Deegaanka Deegmada Gaalkacyo sidoo kalena Xilkii ka qaaday Taliyaashii Ciidamada Amaanka Gobalka Mudug ka dib Markii ay soo baxeen eedeymo la xiriira inay ka gaabiyeen Wax ka qabashada Dilal Qorshaysan oo mudooyinkii danbe ku soo batay Waqooyiga Gaalkacyo

