Salaad Cali Jeelle:-Madaxweynaha Soomaliya ayaa Su’aalo Laga Weydiinayaa Dilalka Loo Geysto Siyaasiyiinta+Dhageyso

0

Siyaasiga Salaad Cali Jeelle oo la hadalay Idaacada Simba ayaa  Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku Eedeeyey in uu ku fashilmay Fulinta Howlihii loo idmaday oo ay ka mid yihiin Xasilinta Amniga Dalka, Baahinta Xukunka Heer Gobal ilaa Heer Degmo, iyo Hirgalinta Nidaamka Dimuquraadiga ee dalka.

Siyaasiga Salaad Cali Jeelle ayaa wax laga Xumaado ku tilmaamay hadal dhawaan ka soo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan shiikh Maxamuud oo ahaa in Dowldiisu ay cadowga Labad u aragto siyaasiyiinta dhaliilsan Dowlada Soomaliya.

Dhanka kale Siyaasiga Salaad Cali Jeelle ayaa tilmaamay in Madaxda dowlada soomaliya lagula xisaabtami doono dilalka loo geysto siyaasiyiinta Madaama Madaxweynaha dalka uu sheegay in cadowga Labaad ee dalka ay yihiin Siyaasiyiinta.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here