Faah-Faahin ku Saabsan Qaraxa ka Dhacay Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir

0

Wararka naga soo gaaraya Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in mid ka mid ah odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed uu ka bad baaday qarax loogu xiray Gaarigiisa.

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobalka Banaadir Gashale Sare Bishaar Abshir Geeddi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in gaariga la qarxiyay uu lahaa mid kamid ah odoyaashii soo xulay baarlamankii soomaliya sanadkii 2012-ka islamarkaana gaarigiisa qaraxa loogu xiray balse uusan wax u noqonin.

Gashale Sare Bishaar Abshir Geeddi waxa uu sidoo kale sheegay in ay socdaan baaritaano lagu ogaano dadkii ka dambeeyay  gaariga la qarxiyay uu lahaa mid kamid ah odoyaashii soo xulay baarlamankii soomaliya sanadkii 2012-ka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here