Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud ayaa Magacaabay Taliye Ku Xigeenka Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), waxaa xilkaas loo magacaabay Ismaaciil Cismaan.
Taliye Ku Xigeenka, Cusub ee Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), ayaa waxay ehel yihiin Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani), Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.
Mudane Ismaaciil Cismaan oo ka yimid wadanka Mareykanka, ayaa Axadii dib ugu amba baxay Mareykanka, si uu si buuxdo ugu soo wareego Magaalada Muqdisho, ee caasimada soomaliya ugana hawlgalo.
Xasan sheikh Maxamuud Maxaadweynaha Soomaliya ayaa Bishii aynu soo dhaafnay xil ka qaadis ku sameeyay Taliyihii Hore ee Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka NISA C/raxmaan Maxamed Tuuryarre oo loo magacaacay la taliyaha Wasiirka Amniga Gudaha.

