Weerar Qasaaro Dhaliyay oo Lagu Qaaday Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Ahalusuna

0

Ciidamo la sheegay In ay ka amar qaataan maamulka Galmudug ayaa maanta jidka u galay kolonyo uu la socday Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Ahlusuna Waljameeca  Saadaq Shiikh Yuusuf oo marayay deegaanka Xiraale ee Gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa  la sheegay in uu geystay qasaaro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray Ciidamada ka Tirsan Galmudug ee wadda u galay iyo Ciidamada ahlusuna ee  Galbinayay Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka ahlsuna waljameeca.

Xiriiro aynu la sameenay Maamulka Galmudug way ka gaabsadeen in ay ka hadlaan ciidamada la sheegay in ay jidka u galeen ciidamada ahlusuna waljameeca.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here