Wararka inaga soo garaya inta u dhaxeysa wadada Magaalada Muqdisho iyo Afgooye ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay ku waramayaan in Ciidamada Dowlada Soomaalia ay Xireen isku socodkiI Gaadiidka iyo Dadweynaha halkaas oo ay ka Sameynayaan Howlgal Miino baaris ah.
Ciidamadaan oo ku jira Militariga iyo Ciidamada Booliska Qeybta Miino baarista oo Gaaray Deegaan Garas-baalay ee Duleedka Muqdisho ayaa xiray wadada isku Xirta Gobalada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose.
Gudoomiyaha Deegaanka Garas-baalay Cabdiraxman Axmed ee Duleedka Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada ay ku guuleesteen inay ka hortagaan Miino lugu Aasay Wadada isku Xirta Muqdisho iyo Afgooye ka dib Markii ay isweydaarsadeen Dadka Deegaanka iyo Laamaha Amaanka deegaankaasi islamarkaan Ciidamadu ay Bilaabeen Howlgal ay wadada uga bixinayaan Miinooyinka.
Dhawaan ayey aheyd Markii Gaari ay la socdeen dad Rayad ah Duleedka Muqdisho lugu eegtay Miino oo lug Aasay Wadada isku Xirta Afgooye iyo Muqdisho kaasi oo ay ku Dhinteen 16-ruux halka 6-ruux oo kalena ay ku dhaawacmeen.

