Cadaado, jun 30, 2016—— Shirka Golaha wasiirada Dowlad Goboleedka Galmudug oo uu shir gudoominayay madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Maxamed Xashi Cabdi ayaa maanta oo khamiis ah waxaa looga hadlay Amniga iyo qodobo dhor ah oo ay ka mid ahaayeen warbixino ku saabsan federaalka oo laga dhageysatay Wasaaradaha, Dastuurka iyo Haweenka Dowlad Goboleedka Galmudug oo ka soo laabatay dalka Switzerland oo dhawaan wasiiro ka socda maamul Goboleedyada dalka ay shir looga hadlayay federaalka ay kaga qayb galeen waxa ayna sheegeen in shirkaas uu muhiim u ahaay dhamaan maamulada dalka haatan ka jira waayo waxaan ku baraneynay hanaanka federaalka dalkii aan u tagna runtii waxaan ka soo baranay arimo badan oo laxariira hanaanka is maamulka .
Aamaanka ayaa maanta intabadan looga hadlay shirka Golaha Wasiirada waxaana lagama maarmaan ah in la xoojiyo ciidamada booliska iyo kuwa nabad sugida shirarka amaanka looga hadlayo ayaa maalmihii ugu danbeeyay kaga soconayay magaalada cadaado hay’adaha amaanka aya doona ay ku soo wajahanyihiin munaasbado kala duwan sida munaasbada 1 july iyo doorashooyinka qaran oo dhawaan ka dhici doona Magaalada Cadaado caasimada ku meel gaarka ah ee Galmudug
Ugu danbeentii waxaa shirka Golaha wasiirad sooxiray Maxadweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Cabdi asi goona sheegay in ay lagama maar maantahay in loo baahanyahay in aan amniga kor u qaadno ciidamadana ay markasata heen u noqdaan u adeegida shacabka Galmudug.




