Xarakada Al-shabaab ayaa guulo ka sheegatay dagaalkii ka dhacay galinkii dambe ee shalay duleedka degmada Galcad Gobolka Galguduud bartamaha dalka Soomaaliya.
Gudoomiyaha Al-shabaab ugu magacaaban Gobolka Galgaduud Sheekh Xasan Yacquub Cali oo la hadlay idaacadda Andulus ee Afka Xarakada Al Shabaab ayaa sheegay in ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa Ethopia laga dilay ciidamo badan kadib markii ay al-shabaab weerar gaadmo ahaa ku qaadeen saldhigyo ay ciidamadaa ku lahaayeen deegaanka Ceel-Hareeri.
Sheekh Xasan Yacquub Gudoomiyaha Al-shabaab ugu magacaaban Gobolka Galgaduud waxaa uu sheegay in ay weerareen ciidamo Soomaali ah oo dhibaato ka waday deegaanka Ceel-hareeri oo dhaca Dulleedka degmada Galcad.
“Al-shabaab waxa ay weerar gaadmo ahaa ku qaadeen Ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa Amisom gaar ahaa kuwa Ethopia sababta dagaalka ka dambeysay waxa ay aheyd kadib markii ciidamada dowlada ay sii kordhiyeen dhibaatooyinka ay ku hayaan shacabka Mus’limiinta ah ee ku nool Galcad ayuu yiri Sheekh Xasan Yacquub Cali.
Labada dhinac ee dowlada soomaliya iyo al-shabaab ayaa Guulo ka sheegtay dagaalka ka dhacay degmada Galcad ee Gobolka Galguduud bartamaha dalka Soomaaliya, iyadoo aysan jirin cid ka madax banaan labada dhinac oo xaqiijinta karta xaqiiqada dhabta.

