Maamulka Jubba-land oo Beeniyey in Ciidanka Kenya Lagu Wareejiyay Ajaanib u Dhalatay Jazeerada Comoros+Dhageyso

0

Maamulka Jubba-land ayaa waxba kama jiraan ku Tilmaamay  in Badmaaxiyiintii u dhalatay Jaziirada Comoros ee shalay laga soo helay xeebta Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose Hoose  in lagu wareejiyay Ciidamada Kenya.

Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolada Jubooyinka Xasan Qeyre Axmed oo la hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa beeniyay In 5-ta nin ee u dhalatay Jaziirada Comoros ee shalay lasoo helay in lagu wareejiyay Taliska Amisom ee Gobolada Jubooyinka.

“Maya Maya ma jiraan wax ka Tirsan Amisom oo noo yimaaday xiligaan islamarkaana nagala hadlay dadka laga soo helay Xeebta Kismaayo, dadkaan waxaa soo helay Ciidamada Maamulka Jubba-land asaga ayaana ku wareejin doona dadkooda, wararka sheegaya in lagu wareejiyay dadkaan Taliska Amisom ee Gobolada Jubooyinka waa been abuur ayuu yiri” Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolada Jubooyinka ee Maamulka Jubba-land  Xasan Qeyre Axmed oo la hadlay idaacada simba.

Shalay ayay aheyd markii isbitaalka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose Hoose, la dhigay 5-nin oo la sheegay in ay u dhasheen Jaziirada Comoros  kadib markii  laga soo helay xeebta Magaaladaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here