Ciidamada Maamulka Jubba-land ayaa la wareegay deegaano ay ku suganaayeen Xarakada al-shabaab oo ku yaala Gobolada Jubooyinka ee koonfurta dalka soomaliya.
Ciidamada Jubba-land ayaa gaaray deegaanada Yoontooy, Buulogaduud iyo Wirkooy, mana jirin wax iska caabin ah oo ay kala kulmeen Ciidamada Xarakada Al-shabaab oo mudooyinkii dambe ku sugnaa deeganada maanta la wareegay.
Saraakiil ka Tirsan Ciidamada Jubba-land oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay sii gaari doonaan ciidamada deegaano kale oo xiligaan ay ku sugan yihiin Ciidamada al-shabaab kuwaasi oo ku yaala Gobolada Jubooyinka.








