Chuck Grassley:- “Dowlada Mareykanka Waa in Ay Si Deg Deg ah u Joojisaa Dal ku Galka”.

0

Mudane ka Tirsan xildhibaanada Maraykanka ayaa ka dalbaday Maamulka Madaxweyne obama in laga joojiyo dal ku galka dadka ka soojeeda wadamo ay Somaaliya ka mid tahay.

Dalalkaan maamulka madaxweyne Obama laga dalbanayo in uu ka joojiyo dal ku galka ayaa waxaa ka mid ah dalalka, Cuba, China, Somaliya, India, iyo Ghana,iyo dalal kale oo badan kuwaas oo dhamaantood uu ku eedeyay mudanahaan in aysan maraykanka kala shaqaynin sidii dib ay ula noqon lahaayeen muwaadiniintooda siyaabaha sharcidarada ah kusoo gala wadanka iyo kuwa dambiyada gala.

Chuck Grassley ayaa waxaa uu sheegay in dambiilayaal Qatar ku ah dalka oo galay dambiyo ay dilal ka midyihiin lagu siidaayo wadooyinka maalinkasta sabab too ah ayuu yiri wadamada ay ka soojeedaan oo aan doonaynin in ay dib ula noqdaan muwaadiniintooda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here