Wararka haatan ka imaanaya Deegaanka Goof-guduud Manaas Ee Duleedka Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ayaa ku waramaya in ciidamada Koonfur galbeed soomaliya iyo kuwa Ethopia in ay halkaas la wareegeen kadib markii dagaal xoogan ay ku qaadeen.
Deegaanka ayaa la sheegay in uu ka dhacay dagaal saacado badan socday ugu dambeyntii ciidamada Koonfur Galbeed soomaliya iyo kuwa amisom waxaa u suurta gashay In ay deegaanka ka saaraan Ciidamadii al-shabaab oo galabnimadii shalay la wareegay.
Taliye ku-xigeenka Ciidamada Gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya Maxamed Xuseen oo la hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay in ciidamada koonfur Galbeed soomaliya iyo kuwa Ethopia in ay deegaanka kala wareegeen ciidamadii al-shabaab oo galinkii dambe ee shalay la wareegay Deegaanka Goof-guduud Manaas Ee Duleedka Magaalada Baydhabo.

