Weeraryahanka kooxda Barcelona iyo qaranka dalka Argentine Lionel Messi ayaa ka Fariistay Ciyaraha Caalamiga kadib guuldaradii kasoo gaartay xulka dalka Chile.
“ani ahaan waan soo gaba-gabeeyay Ciyaaraha Caalamiga ah wax walba oo aan awooday waan qabtay laakin ma aanan noqonin champion,” ayuu yiri 29-jirkaan kadib ciyaartii Xalay.
Messi ayaa Barcelona kula Guuleystay 8-koob oo Horyaalka ah iyo 4-Champions League laakin kaliyah hal koob ayuu kula guuleystay Olympic gold sanadkii 2008-diii waxaana xigay 3-Final oo lumiyay sadexdii sano aynu soo dhaafnay.

