Wararka haatan ka imaanaya woqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Puntland ayaa ku waramaya in rag hubeysan ay Magaaladaas ku dileen mid kamid ah xildhibaanada deegaanka Maamulkaas.
Xildhibaanka la dilay ayaa Magacaciisa lagu sheegay Saciid Xeyle wuxuuna kamid ahaa xidlhibaanada Golaha deegaanka Maamulka Puntland.
Rag hubeysan ayaa la sheegay in salaadii maqrib kadib ay toogteen Mas’uulka waxaa haatan Magaalada ka socda Howlgalka ay sameenayaan ciidamada amaanka Maamulka Puntland
Wariyaheena C/laahi yarre oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa soo sheegaya in Howlgal balaaran uu haatan Magaalada uu ka socdo kaasi oo lagu baadi-goobayo ragii ka dambeeyay dilka xildhibaanka.

