Ciidamada Amaanka Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljameeca ayaa maanta degmada Gurceel ku xiray Ugaaska Beesha Ceyr Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya In Ugaas-ka ay Ciidamada amaanka Maamulka Gobolada dhexe kasoo xireen hoygiisa oo ku yaala degmada Gurceel ee Gobolka Galgaduud ee Bartamaha dhulka Soomaliya.
Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Gobolada dhexe ee Ahlusuna Waljameeca aynu la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan arintaan xariga lagula dhaqaaqay Ugaaska Beesha Ceyr ugaas Xasan Ugaas Maxamed ugaas Nuur.
Ugaas-ka ayaa maanta ka duuli rabay sida wararka aynu ku helayno Garoonka Diyaaradaha Magaalada Dhuuso Mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.

