Madaxweynaha Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo Gaaray Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay

0

Wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa goordhaweyd gaaray Magaalada  Baydhabo, halkaasoo galinka dambe ee Maanta ah uu ka furmi doono shirka madasha wada-tashiga qaranka ee Doorashooyinka Soomaliya.

Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdigiisa waxaa Garoonka Diyaaradaha shaati Gaduud Air Port  kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaliya Maxamed shiikh Cusmaan Jawaari, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan shiikh aadan  iyo Mas’uuliyiin kale.

Dhanka kale waxaa  Maanta Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay Gaaray Wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Maamulka Juba-land axmed Maxamed Islaam (axmed Madoobe) oo isna si weyn loogu soo dhaweeyay Magaaladaas.

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland ayaa iyagana ku wajahan Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay  oo galinka dambe ee maanta u ka furmi doono shirka madasha wada-tashiga Qaranka ee Doorashooyinka Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here